Sawirro: Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Falasdiin iyo Yahuudda oo xasuuq wadda.

Wednesday May 19, 2021 - 11:19:16
Liibaan Jeexoow
Melleteriga Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa wali sii wada xasuuqa uu ku hayo shacabka muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalada Qaza.


Saaka aroortii hore ayay diyaaradaha Yahuudda oo gaaraya 52 diyaaradood waxay daqiiqado kooban gudahood ku fuliyeen 122 duqeyn oo dhammaantood lagu beegsaday xaafadaha magaalada Qaza.

Muuqaallo lagasoo qaaday magaalada go'doonsan ayaa muujinayay holac ka baxaya xaafadaha qaar,wariye ku sugan Falasdiin ayaa soo sheegay in illaa laba guri ay ku burbureen xaafadda Khaan Yuunis.

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku geeriyooday duqeymaha saaka aroortii lagu beegsaday Qaza halka tobanaan kale ay dhaawacyo soo gaareen.
Cadowga Yahuudda ayaa geysanaya fal dambiyeed bahalnimo wuxuuna taageero dhan walba ah ka helayaa dowladda Mareykanka.

Dhinaca kale kooxaha muqaawamada ayaa iyana sheegay in aysan is dhiibi doonin waxay duqeymo loo adeegsanayo sawaariikh ku qaadayaan magaalooyinka ay Yahuuddu deganyihiin.












Related Items