Sawirro+Cod: Guddiga dhismaha Masjid Jaamaca Bu'aale oo warbixin soo saaray baaq cusubna diray.

Sunday May 23, 2021 - 12:55:34
Liibaan Jeexoow
Waxaa marxalad dhexe maraya dhismaha masjid jaamaca magaalada Bu'aale ee gobolka Jubbada dhexe.


Guddiga dhismaha masjidka Bu'aale ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in ladhameystiray dabaqa koowaad ee masjidka walina ay harsanyihiin dhismaha laba dabaq.

Dadka muxsiniinta ah meel walba oo ay joogaan ayaa laga codsaday in ay gacan ka geystaan dhismaha Masjidka Bu'aale oo ka koobnaan doono illaa sedax dabaq.

Guddiga Masjidka waxaa laga xiriiri karaa Taleefan Lambar: +252617925555, sidoo kale waxaa tabarucaadda loogu diri karaan Account Salamka Bank: 30924384.

Halkan ka dhageyso guddiga dhismaha masjidka.



 Hoos ka daawo Sawirro.




Related Items