Al-Shabaab oo soo bandhigay hubkii iyo gaadiidkii ay ku qabsadeen weerarkii deegaanka Cammaara [Sawirro].

Wednesday August 25, 2021 - 14:59:13
Liibaan Jeexoow
Gaarigan waxaa lahaa ilaalada gaarka ah ee Qoor Qoor
Gaarigan waxaa lahaa ilaalada gaarka ah ee Qoor Qoor
Xafiiska Warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa faafiyay sawirrada weerarkii cagmarinta ahaa ee ay ku qaadeen saldhiga ciidanka DFS ee deegaanka Cammaara ee gobolka Mudug halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 35 askari, kuna dhaawaceen tiro kale.


Weerarkan oo dhacay aroornimadii hore ee shaley ayaa ku bilowday qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa kadibna waxaa xigay ciidamo aad u fara badan oo u daatay xerada kuwaas oo cagta mariyey askartii ka bad-baaday qaraxa.

Ugu yaraan 18 gaari oo ay ku jiraan gaadiid casri ah oo ay wateen ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Galmudug Axmad Kaariye Qoorqoor ayey Al-Shabaab kusoo furteen dagaalka, halka sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanado ciidan oo taalay xerada sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Weerarkan ayaa ahaa midkii 3aad ee laba todobaad gudahiis ay Al-Shabaab cagta ku mariso ciidanka maamulka Galmudug, waxaana xusid mudan in todobaadkii lasoo dhaafay ay kooxda cagta marisay ciidankii ku sugnaa saldhigyada Cadakibir iyo Qeycad ee koonfurta Mudug.

SAWIRRO



Sawirada qaar sooma gudbin karo sababtoo ah waxaa lagu arkayaa askar si ba'an loo xasuuqay oo daadsan gudaha iyo hareeraha xerada.

kusoo biir Channelka somalimemo Telegram

Related Items