Sawirro: Hay'ad samafal oo gargaar ka qeybisay deegaan katirsan wilaayada Islaamiga Bay.

Monday October 04, 2021 - 20:07:58
Liibaan Jeexoow
hay'adda khayriga ah ee Al-ixsaan oo ah jamciyad samafal ayaa gurmad ballaaran oo raashin qaybin ah ka samaysay deegaanno dhowr ah oo hoos taga wilaayaadka dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.



Jamciyadda Al-ixsaab oo ka duulaysa mas'uuliyadda ka saaran dadka muslimiinta ah gaar ahaan kuwooda danyarta ah laguna jiro xilli adag oo inta badan gobollada dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya uu ka jiro jilaal daran waxay gurmad ballaaran gaarsiisay qoysas danayr ah oo tiradoodu gaarayso 1,800 oo qoys kuwaas oo ku kala nool wilaayaadka dhaca Bay Sh/hoose iyo Sh/dhexe waxayna jamciyaddu gobolladaas dadka masaakiinta ah ugu qaybisay gurmad macaawino ah.

Deegaanka Buul-eylo ee wilaayada Bay oo ka mid ah deegaannada ay jamciyadda Al-ixsaan ka samaysay gurmadka raashin qaybinta ah waxaa ka faa’ideystay 698 qoys waxaana halkaas loogu qaybiyay noocyada kala duwan ee gurmadka sida Burka, bariiska, Sonkorta, Saliidda, iyo agabyo kale oo muhiim u ah dadka tabaalaysan.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Gurmadka Al-ixsaan Ee Buur-eylo.


















 

Related Items