Shirkadda Facebook oo ka hadashay sababta ay hawada uga bexeen whatsapp iyo Instagram.

Tuesday October 05, 2021 - 11:39:32
Liibaan Jeexoow
Qaar kamid ah shabakadaha ugu caansan baraha bulsahada ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa lakulmay khasaara maaliyadeed oo aad uxooggan.


Shirkadda Facebook ayaa xalay hawada ka baxday muddo saacada ah arrinkaas oo sababay in ay khasaarto lacago malaayiin dollar ah sida ay sheegeen qaar kamid ah saamilayda shirkadda.

War kasoo baxay shabakaddan ayaa lagu sheegay in cillad farsamo ay sabab u aheyd in hal mar ay damaan dhammaan Apps-kii hoos tagayay sida whatsapp iyo Instagram, sababta cilladda keentay ayay shirkadda Facebook ku sheegtay khalad ka dhacay qeybta sittings-ka.

Wargeyska News Times oo soo xiganaya afhayeen uhadlay FB ayaa sheegay in adeegyada shirkadda ay si tartiib tartiib ah usoo laabanayaan isagoo muujiyay in dib usoo laabashada dhammeystiran ay waqti qaadan doonto.

Mid kamida shaqaalaha FB ayaa isna usheegay shabakadda CBS News in cilladii xalay dhacday ay ka weyneed khalad farsamo balse ma xaqiijin in uu jiray weerar dhanka internetka ah oo lagusoo qaaday shirkadda iyo inkale.

Sidoo kale shirkado waaweyn oo mareykanka laga leeyahay ayaa xalay la kulmay khalkhal dhanka internetka ah islamarkaana malaayiin qof ay ku adkaatay in ay booqdaan website-yada shirkadaha Amazon,google iyo Twiiter.

Saylladda suuqyada maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in 5% saamigii Facebook ay ku laheyd suuqyada uu hoos udhacay, dhinaca kale wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka loo yaqaan ayaa sheegay in ay daraasaynayaan suurtagalnimada in uu jiro weerar halis amni geystay oo lagusoo qaaday shabakadaha bulshada wadankaasi.

Related Items