Jawaabta Ay Dowladu Ka Bixisay Taxanaha Al-Shabaab Ma Lagu Qanci Karaa? Maqaal.

Monday November 08, 2021 - 16:23:06
Liibaan Jeexoow
Waxaa dunida ka socday shirar waa weyn oo looga hadlayo isbadalka ku yimid cimilada, saxaafadda dunidu waxey tabinayaan saameynta isbadalka cimilada iyo sara u kaca heer kulku uu ku keenay nolosha iyo duunyada. Waxaa socda mudaharaadyo waa weyn oo xiriir la leh shirarkaas.



Afrika xaaladu wey ka duwaneyd, waxaa Soomaaliya kor usii kacayey heer kulka baraha bulshada kadib markii Xarakada Al-Shabaab ay baahisay taxane tayadiisu sareyso oo ay kaga hadlayeen dastuurka dalka lagu dhaqo.


Waxaan kamid ahaa dadkii daawaday muuqaaladaas taxanaha ah ee ay xarakadu ku bushinayey dastuurka dalka lagu dhaqo, wuxuu ahaa mid aad u xiisa badan, doodiisu adag tahay, cadeymo farabadan lagu lifaaqay raadraacna leh, wuxuu u muuqday mid ay xarakadu mudo sanado ah diyaarinaysey, wuxuu helay daawadayaal aad u badan, wuxuu shaki weyn geliyay dastuurka dalka lagu dhaqo, wuxuu gaalnimo ku tilmaamay xeerarka dalka, siyaasadiisa lagu hago iyo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, wuxuu daaha ka feyday xaqiiqooyin aan la dafiri karin, waa cusub ayaa ii baryay, waxaan filayaa in dad badani ila wadaagaan dareenkaas, waxaa hubaal ah inuu dib u furay dood cusub oo ah "Dastuurka dalka lagu dhaqo ma yahay mid waafaqsan shareecada Islaamka”, wuxuu qabyo horleh ku siyaadiyay dastuurkii qabyada ahaa, waxaa intaa dheer inuu shaki geliyay xoriyadii 60ka la qaatay.


Waxay bulshada Soomaaliyeed ka sugayeen dowlada Farmaajo iney jawaab ka bixiso doodda al-shabaab ee ku aadan dastuurka, waxey dowladu aamusneyd in ka badan 60 maalmood, jawaabtii ugu horeysay ee dowladu ka bixiso ayaa kasoo baxday wasaarada awqaafta iyo arrimaha diinta.


Maqaayad weyn oo Soomaalidu u badan tahay ayaan fadhiyay markuu soo baxay warsaxaafadeedkaas ay Wasaarada Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta kaga jawaabeysay dokumenteriyadaas taxanaha ahaa ee ay soo saartay Xarakada Al-Shabaab. Saaxiibkey Axmed oo igarab fadhiyay ayaan isla akhrinay, waxuu nagu noqday filan waa, sida uu uqornaa iyo muuqaalka uu gudbinayey, waxaan go’aansaday inaan maqaal ka qoro sida uu ahaa jawiga saaxiibadii igula caweynayay maqaayada, dareenka ay ka bixiyeen iyo keyga gaarka ah.


Taxanaha ay soo saartay Al-Kata’ib oo u faafisa Alshabaab muuqaalada iyo warsaxaafadeedyada ayaa ahaa mid qabsaday baraha bulshada, inkastoo aanu ku kala aragti duwaneyn qiimeeynta muuqaaladaas hadana waxaan dhamaanteen ka sinneyn 4 qodob:


1.Tayada iyo usluubka loo soo saaray muuqaalada Taxanaha ah oo runtii layaab ku noqday dadkeena qurbaha ku dhaqan, waxay muuqaaladan beeniyeen in Al-Shabaab ay waajahayaan cadaadis militeri iyo mid siyaasi, Culumada ka tirsan Xarakada ee kasoo muuqday taxanaha waxay ahaayeen rag aad u qurux badan, deganaansho ka muuqato, aflagaado aanan daliilkooda ku xoojin, gar cas ah, xafiisyo qurux badana fadhiya.


2.Waxey Al-Shabaab ku dadaaleen iney muuqaaladooda u adeegsadaan culimo Soomaaliyeed oo aad looga yaqaan dalka gudihiisa iyo dibadiisa, sida Sheekh Maxamed Macalin iyo Sheekh Shariif Cabdinuur, Sheekh Boqolsoon iyo Sheekh Cumar Faaruuq, waxey uga dhigneyd Al-Shabaab in fikirkoodu uusan aheyn mid iyaga u gaar ah balse uu yahay mid ay culimadu la qabto, wuxuu ahaa runtii garratan adag, loodintiisuna aysan sahlanaan doonin.


3.Bulshada Soomaaliyeed ayaa si wadajir ah uga carootay hadalada gafka ku ah diinta iyo dhaqanka ee ay jeedinayeen madaxda dowlada iyo qurbajoogta sheegata iney aqoon yahano u yihiin dalkeena iyo dadkeena, waxey muuqaal aad u foolxun ka gudbinayeen Soomaalideena ku dhaqan qurbaha. Muuqaallada muujinayey meel kadhaca diimeed ee xubnaha dowlada iyo xulafadeeda ay ku hadlayeen ayaa walwal ku abuuray bulshada daawaneysay, waxeyna sumcad tirtay sheegashada xukuumada iyo culimadeeda ee ah in dastuurku uu waafaqsan yahay shareecada islaamka, waxaa aad ugu adkaan doonta taageerayaasha dowlada iney u qiil helaan meelkadhaca diinta ee ay madaxdu jeedisay.


4.Waxaan kaloo ka sinneyn aragtida ah in eysan Soomaaliya weligeed xoriyad qaadan, imikana aysan madaxbanaani heysan, loona ogoleyn iney diinta Islaamka ku dhaqanto. Korneyl hore oo aanan dooneyn inaan magaciisa halkan ku sheego aadna u taageera teamka Farmaajo ayaa hal mar wuxuu lasoo booday "colaada laynagu hayo waa inaan muslimiin nahay”, waxaa fadhigii hareeyay aamus, wuxuuna gunaanad u noqday doodii asxaabta.


Afartaas qodob ee aan soo sheegay ayaa laga sinnaa, waxaan aad isu weydiinayay jawaabta ay ka bixin doonto dowladu tollow sidee noqon doontaa.

Warsaxaafadeedka ay soo saartay dowlada ayaa ahaa mid aad u kooban, ballanqaad aan xadeysneyn iyo baaq aan madaleysneyna ka kooban, wuxuu u muuqday mid degdeg loo diyaariyay cadaadis wasaarada heystana la doonayay in looga dulqaado. Wuxuu noqday mid lagu maadeysto.


Waxaan doonayaa inaan qodobeeyo aragtidayda ku aadan warsaxaafadeedka wasaarada awqaaftu soo saartay:

1.Waxaan ugu horeyn qonsaday sida loo qoray Wasaarada Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta [xagga sare ee bidixda], waxaa ka muuqday quursi ay aheyd in laga sariigto. Waxaan u deynayaa akhristaha maqaalkeygan inuu dib u eego warsaxafadeedka, waxey u qoran tahay sidatan: [WASAARADDA Awqaafta iyo Arr. Diinta], waxuu muujiyay isku dhexyaaca warsaxaafdeedka ka muuqda, waxaana kuu muuqda inuusan aheyn mid laga tashaday tifaftirna soo maray.


2.Waxuu ahaa warsaxaafadeed aflagaado daliil looga dhigayey, dooda halka ay jirtana laga weecinayey, waxuu ahaa qiraal in shabaabku ay ku guuleysteen inay dadka fikirkooda la qaateen, dowladuna ay hada dib boorka isaga jafeyso si ay bulshada usoo ceshadaan. Wuxuu quursaday warsaxafdeedkani garaadka bulshada, wuxuuna u sawiray ineysan bulshadu kala saari Karin fikirka saxan iyo midka khaldan.


3.Qodobka ugu dambeeya ee warsaxaafdeedka waxey wasaaradu ku sheegtay iney "mar weliba diyaar u tahay iney si xikmad iyo cilmi ah uga hortagto duullaan kasta oo fikri ah oo ummada Soomaaliyeed kaga yimaada kooxda alshabaab iyo dhamaan kooxaha xagjirka ah” arinkaas wuxuu muujinayaa ineysan wasaaradu wax qorsha ah u laheyn dhibaatooyinka dalka ka jira sida gaaleysiinta ay wadaan hay’adaha tansiirka, dhaqanxumada baahsan ee dalka ka jirta, daroogooyinka iyo fisqiga.


Waxaan aad isu weydiinay shirka ay ku baaqday dowlada ee degdegan ah miyey u heleysaa xujooyin daliilla wata oo ay ka bixiso doodda ay Al-Shabaab soo bandhigtay, mise wuxuu qeyb ka yahay ololaha doorasho ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku doonayo inuu khudbad ka jeediyo kagana towbad keeno hadalkii uu ka jeediyay Brusseles. Waxaan is weydiiyay culimada shirkan loogu baaqay ee kasoo qeybgalaya waa kuwee? Yeyse matalaan illeen dalku doorasho ayuu ku wajahan yahaye, hadey yihiin culimada "Nabada Iyo Nolol” kuwa kasoo qeybgalaya, dowladu ha ogaato sida uu waqtigeeda gabaabsi u yahay ayuu qolodaasna gabalkoodu u dhacay. Waxey dad badan oo aan arkay ama aan akhriyay qoraaladoodu shaki gelinayaan shirka ay dowladu ku baaqday iyo balanqaadkeeda ah iney dood weliba ka jawaabi doonto.


Waxey shabaabku ku guuleysteen iney aragtidooda ku qanciyaan dadka ay maamulaan, aragti daliillo watana ay hordhigaan bulshada Soomaaliyeed iyo culimadeeda. Waxey ku fureen dowlada waqtigeedu sii dhamaanayo furin lama filaan ah oo saameyn weyn ku keeni karta ololaha doorashada. Al-Shabaab waxey mudan yihiin in lagu ixtiraamo aragtidooda siyaasadeed iyo midda maamul, waxey ka taliyaan dhul aad u baaxad weyn, waxey argti iyo waayo aragnimo u leeyihiin qaab maamulkooda, iyo xallinta mashaakilka ka dhexdhaca qabaa’ilkeena Soomaaliyeed, waxaan u doonanaa cadaalad markey murugto taladu, waxeyna ka facweyn yihiin 70% maamul goboleedyada dalka ka jira, waxey leeyihiin awood warbaahineed iyo xirfad wanaagsan oo ay kusoo gudbin karaan fikradohooda.


Waxaa lixaadsaday dagaalka dhanka afkaarta ah, waxaa hubaal ah in taxanaha shabaabku baahiyeen uu dhabarka ku dhuftay dhamaan warbaahinta dowlada iyo kuwa taageera, ma fulin doontaa wasaarada awqaaftu ballanqaadkeeda? maalmaha soo socda ayaa kala cadeyn doona!


Cabdi Rizaq Xaaji Xuseen

Stockholm-Sweden

Related Items