Reer Galbeedku maxay uga soo horjeedaan xukuumadda RW Abiy Axmed? [Warbixin].

Sunday November 14, 2021 - 17:36:37
Liibaan Jeexoow
Dawladda Itoobiya waa dawlad waligeed laga xukumi jirey Kaniisadda, waa dawlad u afduuban koox tiro yar oo kiristaan ah.


Ereyga Itoobiya waa magac asal ahaan ka soo jeeda Afkii Giriiggii hore asse macnihiisu yahay "Wajigii gubtey” kutubta maraajicda ee magacaas qortey waxa ugu weyn midka loo yaqaan Alcahdi Alqadiim.

 
Itoobiya waxa dega qoomiyado badan laakiin si guud haddii loo eego waa uun laba qoomiyadood oo waaweyn. Axmaarada iyo Tigreega oo ah aqalliyado tiro yar oo Cirqigooda fogi yahay Simitig.

Halka Soomaalida, Cafarta, Oromada iyo kooxo yaryar oo kale ay yihiin Kushitig, Haddii dalka hadda Itoobiya loo yaqaan dadkoodu u qaybsan yihiin labadaas kooxood waxa muhiim ah in la ogaado in labadaas qaybood kala yihiin Kiristaan Ortodhogos ah iyo Muslimiin Sunniyiin ah.

Kooxda Simitigga ah waxa aad u taageera dawladaha Masiixiga ah ee Yurub, halka kooxdan dambe ee Kushitigga ah ay tol la’aan yihiin ka dib markii dawladihii Muslimiinta ahaa ee Bariga dhexe burbureen oo tabar beeleen.

Aynu u soo noqonno ujeeddada qoraalkeenna ee Abiy Axmed inkasta oo uu Kiristaan yahay haddana laba sababood oo waaweyn baa jira islamarkaasna ku qasbaya in uu wax badan kaga duwanaado axmaqiintii Simitigga ahayd. Mid waa qoyskooda dhaw oo ah ilma Axmed oo muslimiin ahaa midda labaadna waa in uu ka soo jeedo kooxda Kushitigga.

Si aad u fahanto boqol sano ka hor waxa jirey wiil ay dhashey inantii boqor Milinik, Waxa Muslimiintu u yaqaanneen Ilyaas halka Kiristaanku u yaqaanneen Lij iyasu. Ilyaas waxa uu ahaa wiil Oromo ah oo Axmaaradu abti u yihiin sida hadda Abiy Axmed ay Axmaaradu abtiga ugu yihiin.

Boqor Ilyaas waxa uu dhaxley awoowgii Milinik oo markaas isaga u dardaarmey, dabadeed waxa uu noqdey boqor Muslimiinta uga gacan qabow Simitiggii arxanka darnaa.

Markii dambena waxaaba uu muujistey muslinnimadii qoyskooda kuwaas oo si qasab ah hore loogu gaaleysiiyey. Haddii dawladda Itoobiya uu qabsado nin Kushitig ahi waxa sare u kaca macnawiyaadka qoomiyadaha Kushitigga ah.

Reer Yurub oo xeebaha dhulka Soomaaliyeed fadhiyey ayaa dareemay khatarta kaga imanaysa boqorkan Oromada ah illaa markii dambe xukunkii laga tuurey oo lagu xidhey jeel Harar ku yaalla, halkaas oo uu ku dhintay ama lagu diley.

Inkasta oo burburka Itoobiya uu naruuro u yahay Soomaalida iyo bahwadaagtooda oo la helay isbays(Space) lagu faalleyn karo siyaasadda haddana reer Yurubku waxa ay isdhacsiiyeen in Abiy oo xukunka sii haya uu danahooda caqabad ku yahay kolkaasna aanu noqon karin ninkii ay rabeen.

Markasta oo go’aan ay qaadanayaan dalalka reer galbeedku waxa ay sameeyaan isbarbardhig ay wax ku kala dooranayaan ama diraasad.

Berigii Soomaalidu qaadatey Hantiwadaaggii Ruushka isla waxyar kadibba Itoobiya oo uu hoggaaminayo Mingiste Xayle Maryam ayaa iyana qaadatey isla habkaas.
Intaa kadib Khuburadii Ruushku waxa ay sameeyeen isbarbardhig ay ku samaynayaan labada dal kii u roon, waxaana ka soo baxay dhowrkan qodob.
 
1: Itoobiya hantida oo dhan waxa iska lahaa boqorka oo u talin jirey waxa ayna haysteen hab Feudal System ah, taasna baddalkeeda Soomaalidu waxa ay ahayd raacato siman oo aan lahayn boqor ka dhexeeya ama jujuuba. 2: Itoobiya waligeed waxa ka jirey gumaysi iyo kala Sarrayn Soomaaliduna isma gumaysato sidaa darteed ayey u door bideen xabashida

3: Itoobiya waa dawlad haysata mad’habta Ortodhogoska taas oo caqiido u ahayd Ruushka intii aaney qaadan shuuciyadda ilxaadka ku dhisan, taa baddalkeeda Soomaaliya waa wada Muslimiin Sunni ah oo aan si fudud u aqbali karin Hantiwadaagga.

4: Reer Galbeedka hanti goosiga isticmaala oo marwalba soo dhaweysan jirey Itoobiya, dabadeed si ay nabar xanuun kulul ugu noqoto ayaa ahaa qodob kale oo Ruushku dan u arkey.

Ugu dambeyn Midowgii Soofiyeet waxa uu doortey Xabashida. Hadda Maxamed Siyaad diinta ma jeclayn laakiin diraasaduhu ma eegaan qofafka madaxda ah ee waxa lagu base-gareeyaa qoomiyadaha waxa suuragal ka ah. Abiy Axmedna inkasta oo uu gaal yahay haddana waxa uu aamminsan yahay Kushitignimada oo shirkii Jabbuuti ee Farmaajo iyo Muuse biixi lagu heshiisiinayay isla markaana uu goobjoogga ka ahaa Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ka yidhi "We are not more than a family” oo macnaheedu yahay dad is ah baynu nahay ama wax qoys ka badan ma nihin.

Wabillaahi Tawfiiq
W/Q: Wadaadyare Xaashi.

Related Items