Maleeshiyaadka TPLF oo Maxaabiis looga qabtay dagaallo ka dhacay gobolka Cafarta.

Saturday November 20, 2021 - 17:08:36
Liibaan Jeexoow
waa maxaabiis Tigree ah oo cafarta ugacan galay
waa maxaabiis Tigree ah oo cafarta ugacan galay
Maleeshiyaadka qowmiyadda Tigreega ee TPLF-ta loo yaqaan ayaa si xun loogu jebiyay dagaallo isbuucyo qaatay oo ka dhacay ismaamulka Cafarta ee dalka Itoobiya.


Wararka ka imaanaya gobolka Cafar ayaa sheegaya in ciidanka TPLF dhabarka looga jebiyay dagaalladii cuslaa ee maalmahan ka dhacayay duleedka degmada Mille.

Warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Itoobiya ayaa soo bandhigtay muuqaallo muujinayay boqolaal maxaabiis ah oo laga qabtay maleeshiyaadka Tigreega.

Maxaabiista oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa sheegay in si qasab ah lagusoo dagaal geliyay islamarkaana lagu amray in ay xasuuq aargoosi ah ka geystaan gobollada Amahara iyo Cafar.

Saraakiisha ciidamada ismaamulka Cafarta ayaa ku faanay in ay cagta mariyeen dhammaan ciidamadii TPLF ee xoogga kusoo galay dhulkooda islamarkaana ay gurmad udiri doonaan gobolka Amxaarada si Tigreega looga saaro deegaannadii ay dhowaan qabsadeen.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin fallaagada Tigreega oo ku saabsan guuldarradan lagu gaarsiiyay jiidda dagaalka gobolka Cafarta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items