Melleteriga Suudaan oo talada dib ugu celiyay R/wasaarihii la inqilaabay.

Sunday November 21, 2021 - 20:07:00
Liibaan Jeexoow
Golaha melleteriga wadanka Suudaan ayaa ku dhawaaqay in ay dib usoo celiyeen xukuumaddii Madaniga calmaaniga aheyd ee la inqilaabay bishii lasoo dhaafay.


Jeneraal Cabdi Fataax Alburhaan ayaa xabsi gurigii ka qaaday R/wasaare Cabdalla Xamduuk iyo golihiisi wasiirrada waxaana lagu dhawaaqay heshiis buuxa oo ay gaareen dhinacyada isku haya siyaasadda wadanka.

R/wasaare Xamduuk oo warbaahinta lahadlayay ayaa sheegay in xal buuxa laga gaaray dhibaatadii dalka ka taagneed isagoona ugu baaqay taageerayaashiisa in ay rabashadaha joojiyaan.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa kamid ah in melleteriga iyo xukuumadda ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii dalka looga dhisi lahaa xukuumad ku timid doorashooyinka iyo in aan cidna loo qabsan dhibaatadii ka dhalatay inqilaabkii melleteri.

Dhinaca kale malaayiin shacab ah ayaa wali taagan fagaarayaasha magaalada Khurduum waxayna diidanyihiin heshiiskii maanta lagaaray oo ay ku sifeeyeen khishiiskii Khiyaanada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items