Jabhadaha Mucaaradka Itoobiya oo 130Km ujirsaday Addis Ababa.

Tuesday November 23, 2021 - 11:23:59
1675
Liibaan Jeexoow
waa Khariirad muujinaysa jabhadaha dagaalka
waa Khariirad muujinaysa jabhadaha dagaalka
Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka socdaan degmo ku dhow magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.


Kooxaha mucaaradka Tigreega iyo Oromada ayaa uruqaansaday dhanka degmada Debre Berhan oo qiyaastii 130Km ujirta Addis Ababa.

Wakaaladaha wararka ayaa Itoobiya kasoo tebiyay in dagaalyahannada mucaaradka ay iskusii fidinayaan degmooyin iyo deegaanno katirsan gobolka Showa ee kulaala Addis.

Sarkaal uhadlay TPLF ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa Oromada OLA ay maalmaha soo socda qabsan doonaan magaalada istiraatiijiga ah ee Debre Berhan.

Mucaaradka ayaa illaa Afar aag ka weeraray magaaladan oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Melleteriga Federaaliga ah, dhinaca kale R/wasaare Abiy Axmed ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa in ay buuxiyaan jabhadaha dagaalka si loo xoojiyo ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira TPLF.

Abiy Axmed ayaa ballan qaaday in uu tagi doono jiidda dagaalka uuna ciidamada kala qeyb qaadan doono dagaallada.

Magaalada Debre Berhan ayaa qiyaastii 130Km ujirta Addis Ababa waxayna katirsantahay gobolka Showa ee istiraatiijiga ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items