Turkiga iyo Mareykankanka oo muwaadiniintooda ku amray in ay isaga baxaan Itoobiya.

Tuesday November 23, 2021 - 13:27:24
Liibaan Jeexoow
Xilli ay cirka iskusii shareerayso colaadda dalka Itoobiya ayay dowladaha caalamka digniino culus siinayaan muwaadiniintooda ku sugan wadankaasi.


Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa digniintii ugu dambaysay udirtay dhammaan dadkeeda ku sugan dalka Itoobiya, xukuumadda Washington ayaa sadaalisay in weeraro laayaan ah ay ka dhici doonaan dalkan waxayna amar kusiisay dadkeeda in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga baxaan Itoobiya.

Xukuumadda Washington ayaa warbixin ay soo saartay ku muujisay cabsi ay qabto weeraro dhiig badan ku daataan oo ka dhici kara dalka Itoobiya, dhinaca kale dowladda Turkiga ayaa amar kusiisay muwaadiniinteeda iyo shaqaalaheeda in ay isaga baxaan Itoobiya.

Bayaan kasoo baxay safaaradda Turkiga ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu wargeliyay dadka Atraakta ah in saacado kooban gudahood ay wadanka uga baxaan, safaaradda ayaa Internetka ku faafisay Lambarro iyo Emaillo ay lasoo xiriiri karaan dadka Turkida ah ee Itoobiya ku sugan.

Digniinahan kasoo baxay Mareykanka iyo Turkiga ayaa kusoo aadaya xilli ay dagaallada Itoobiya sii xoogeysteen islamarkaana ay mucaaradku kusoo dhowaadeen magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items