Abaaro saameyn ba'an reebay oo ka jira dhulka Soomaalida NFD iyo Gedo.

Wednesday November 24, 2021 - 12:19:27
Liibaan Jeexoow
Xaalado daran oo abaara ah ayaa ka jira Soomaaliya
Xaalado daran oo abaara ah ayaa ka jira Soomaaliya
Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa lagasoo sheegayaa deegaannada gobolka Soomaalida NFD ee ku jira gummeysiga Kenya.


Abaaro daran ayaa ku dhuftay dhammaan degmooyinka iyo deegaannada NFD halkaas oo laga cabsi in Boqolaal kun oo ruux ay ugu dhintaan harraadka ka dhashay abaaraha.

Gobollada Wajeer,Mandheera iyo Gaarisa ayay ku bakhtiyeen tobanaan kun oo xoolo ah kuwaas oo isugu jira Lo', Ari iyo Geel, dadka xoola dhaqatada ah waxay sheegeen in biyo iyo baad aan midna lagu hayn miyiga.

Gobollada Gaarisa iyo Wajeer waa meesha ugu daran ee abaaruhu saameeyeen, hay'adaha sheegta gargaarka ayaan wax kaalma ah ufidin dadka ku xoola beelay abaaraha ka jira NFD.

Odayaasha dhulka NFD ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya in aysan waxba ka qaban xaaladaha abaaraha ee ka jira mandiqadda, dhinaca kale gobolka Gedo oo daris la ah NFD ayay ka jiraan abaaro aad udaran.

Roobabkii Dayrta oo aan da'in iyo jiilaalkii ka horreeyay ayaa xaaladda sii xumeeyay, guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa lagasoo sheegayaa jiilaal aad udaran waxaana laga dayrinayaa xaaladda dadka iyo duunyada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items