Siyaasiyiinta Waqooyiga Gebi dhaclayn mise dawarsi Siyaasadeed W/Q Wadaadyare.

Wednesday November 24, 2021 - 17:20:24
Liibaan Jeexoow
Musharrax hore isugu soo taagey doorashada Golaha Wakiillada ee Maamulka 'Somaliland' ayaa haddana dib isaga sharraxay Xamar waqti ay soo badanayaan siyaasiyiinta Hargeysa kasoo shaqa tagayay ee Muqdisho imaanaya.

Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar oo iska sharraxay Gobolka Maroodi Jeex horena loo odhan jiray Waqooyi Galbeed ayaa saaka ku guuleystay kursiga doorashada aqalka hoose ee Soomaaliya.

'Somaliland' waxa caado ka noqotey in siyaasiga ama musharraxa ku guuldarraysta hankiisa siyaasadeed uu u baqoolo xamar taas oo lagu tilmaami karo rag iskood u shaqaysanaya oo xukun doon ah mabda’a ay sheegtaanna aanu meelna jirin.

Laga soo bilaabo 1991 markii maamulka Somaliland uu ku dhawaaqay in uu iskii isu taagey illaa maanta waxa jira rag badan oo kolba dhinac u ordaya, marka ay mansab u oomaan oo ay waayaan ayay meel iska dhigaan gooni isutaagii ay ku maxaafsan jireen waxayna ladawarsadaan ardaasha asaagooda ah ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweynihii ugu horreeyay ee Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa markii uu wakhtigiisii ka dhammaadey ku xigeen u noqday Maxamed Faarax Caydiid oo ahaa dagaal ooge ladilay bartamihii sagaashameeyadii.

Waxa jira rag magac leh oo immika ku jira siyaasadda Xamar oo hore u aamminsanaa in gooni isu taagga Somaliland lama taabtaan yahay, haddan dhanka kale taagan.


Raggaas waxa kamid ah Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda Federaalka Cismaan Abbokor Dubbe, Cismaan wuxuu kamid ahaa kaadiriintii waaweynayd ee xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ka dib markii uu jago siyaasadeed ka waayey ayuu xamar u biyo shubtey waxaana arrinkaas lagu sifeeyay dawarsi siyaasadeed!.

Maalmo kadib Wasiir Dubbe wuxuu furtey urur siyaasadeed kolkii dambena waxa loo magacaabey Wasiir, Waxa kale oo raggaas ka mid ah Xildhibaan Mustafe Qoodax oo siyaasi ahaa laakiin Xamar u kicitimay oo markii shaqadii ka dhammaatey dib ugu soo noqday Somaliland.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Axmed Yuusuf oo ahaa siyaasi ka tirsanaa Axsaabta mucaaridka ah ee Somaliland, dabadeedna xilkaas loo magacaabey.

Dhanka dhaqanka haddii aynu soo qaadanno waxa maalmihii u dambeeyay baraha bulshada qabsaday Boqor Buur Madow oo kamid ah madax dhaqameedka kasoo jeeda Gobollada Waqooyi oo isna Xamar ka degay.

 
Boqor Buur Madow ayaa ka mid ahaa odayaashii aad ugu ololeeyay madaxweynaha maamulka Somaliland ee Muuse Biixi xilligii doorashada, Laakiin markii uu Muuse madaxweyne noqday ayuu xaalkooda siyaasadeed xumaadey taas oo sababtey in Buurmadow uu ka mid noqdo ergooyinka Waqooyi Xamar ku metelaya.

Waxa xogaha qaar sheegayaan in Buurmadow uu wato mashruuc ay dawladda Imaaraatku u soo dhiibtey oo ah in Koonfurta Soomaaliya lagasoo saaro siyaasi fuliya danaha dawladda Imaaraatka ee maafiyada ah.

Maamullada Muqdisho iyo hargeysa ayaa kawada siman in ay taabac dabadhilifyo ah u yihiin Itoobiya iyo beesha caalamka islamarkaana ay ku dhaqmaan dimuquraadiyadda baalmarsan shareecada suuban ee Islaamka balse waxay isku haystaan xukunka.

Wabillaahi Tawfiiq
W/Q: Wadaadyare Xaashi.

Related Items