Qarax khasaara dhaliyay oo lagu beegsaday guddoomiyaha degmada Kismaayo.

Thursday November 25, 2021 - 06:47:33
Liibaan Jeexoow
Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay mid kamida xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Wararka ka imaanaya Jubbada hoose ayaa xaqiijinaya in qarax xooggan lagu beegsaday gaari uu lahaa guddoomiyaha cusub ee magaalada Kismaayo ninka lagu magacaabo Cumar Cabdullaahi Faraweyne .

ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in qaraxu uu burburiyay gaariga guddoomiye Faraweyne waxaana ku dhintay mid ka mid ah xoghaynadiisa halka uu ku dhaawacmay askari kamid ahaa ilaaladiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xilligii uu qaraxu dhacayay uusan gaariga la socon guddoomiyaha degmada Kismaayo, Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka Axmed Madoobe oo ku aaddan qaraxa ka dhacay Kismaayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items