Jawaari oo waji gabax kalasoo laabtay Baydhabo iyo Midowga Musharixiinta oo digniin kasoo saaray doorashooyinka.

Thursday November 25, 2021 - 20:50:23
Liibaan Jeexoow
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa walaac ballaaran ka muujinaya hanaanka ay usocdaan doorashooyinka madaxtinimo iyo kuwa baarlamaaniga Soomaaliya.
Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen midowga musharixiinta ayay uga digeen in lagu shubto doorashooyinka ka bilaawday qaar kamid ah maamul goboleedyada.

"haddii ay doorashooyinku sidaan kusii socdaan waxaa ka dhalan kara burbur ku yimaad dalka" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay midowga musharixiinta oo ay ku midaysanyihiin siyaasiyiinta xildoonka ah ee doonaya in ay Farmaajo bedelaan.

Daahir Maxamuud Geelle oo ah afhayeenka golahan siyaasadeed ayaa warbaahinta u sheegay in wax isdabamarin baahsan ay kajirto hanaanka loosoo xulayo xildhibaannada baarlamaanka.

Dhinaca kale Max'med Cismaan Jawaari oo horay usoo noqday guddoomiye Baarlamaanka ayaa sheegay in maamulka Koonfur galbeed uu is hortaag ku sameeyay in uu utartamo kursi baarlamaan.

Jawaari oo Baydhabo kasoo laabtay ayaa si cad usheegay in shakshiyaad ay wataan laftagareen iyo Farmaajo loo diyaarinayo in ay kusoo baxaan doorashooyinka xildhibaannada.

Walaacan laga muujinayo hanaanka doorashooyinka ayaa sii xoogeystay tan iyo markii uu Rooble usafray dalka Qadar waxaana la rumeysanyahay in xukumadda Dooxa ay midaysan Farmaajo iyo Rooble qorshuhuna yahay in dib loosoo celiyo hoggaanka Villa Somalia ee hadda talada haya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items