4 katirsan ciidamada AMISOM oo ku dhintay Weerar ka dhacay duleedka Afgooye.

Saturday November 27, 2021 - 12:07:03
Liibaan Jeexoow
Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay madaafiic maalmo ka hor lagu weeraray mid kamida saldhigyada ciidamada AMISOM ee gobolka Shabeelaha hoose.


ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaafiic ku hoobatay saldhigga Laantabuuro ee duleedka Afgooye ay sababtay dhimashada 4 askari iyo dhaawac soo gaaray Afar kale.

illaa 60 madfac ayaa lagu weeraray saldhigga ciidanka Uganda ee Laantabuuro balse madaafiicda qaar oo gudaha saldhigga ku dhacday ayaa haleeshay Teendhooyin ay ciidamadu lahaayeen, sida ay sheegayaan ilo xog ogolaal ah, madaafiicda ayaa burburisay qeybta isgaarsiinta iyo caafimaadka saldhigga Laanbuuro.

Diyaarad nuuca qumaatiga ukacda ah oo kasoo kicitintay xerada Xalane ayaa ku degtay Laantabuuro halkaas oo ay ka daabushay meydad iyo dhaawacyo, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska AMISOM oo ku saabsan khasaaraha ciidamadooda kasoo gaaray weerarkan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items