Cumar Cabdirashiid oo sheegay in boob lagu hayo doorashooyinka Soomaaliya.

Thursday December 02, 2021 - 16:32:31
Liibaan Jeexoow
waxaa isisoo taraya walaaca laga muujinayo boobka lagu hayo qaar kamid ah kuraasta baarlamaanka dowladda Federaalka.
Doorashooyinkii bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ayaa la sheegay in ay boobeen wakiillo ka socday madaxweyne Farmaajo.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah waxay muujiyeen walaaca ay ka qabaan hanaanka ay usocdaan doorashooyinka iyagoona qaadacay waxa socda.

Midowga Musharixiinta xilka madaxweynaha oo ay ku midaysanyihiin siyaasiyiin caan ah ayaa ka digay in boobka doorashooyinka socda ay sabab unoqdaan burburka DF-ka sida ay hadalka udhigeen.

Cumar Cabdi Rashiid oo ah xildhibaan galaangalna ku leh siyaasadda dabadhilifnimada ku dhisan ee Soomaaliya ayaa carabaabay in waxa socda aan ladhihi karin doorasho.

Saacado kadib markii uu Muqdisho dib ugusoo laabtay ayuu wariyaasha usheegay in aysan ku qanacsanayn hanaanka ay doorashooyinku u socdaan, siyaasiyiin iskusoo sharraxay xildhibaanno ayaa sheegay in maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay udiideen in ay aqbalaan codsiyadadooda taas bedelkeena ay soo saareen shakhsiyaad daacad u ah Farmaajo iyo xisbigiisa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items