Mareykanka oo duqeyn Khasaara lagu gaarsiiyay dad shacab ah ka fuliyay dalka Suuriya.

Saturday December 04, 2021 - 06:19:27
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in duqeyn geysatay khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ay ka dhacday magaalo kutaal waqooyiga wadankaasi.

Ugu yaraan 1 ruux ayaa dhintay halka 5 qof ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii diyaarad Drone ah oo Mareykanku leeyahay ay duqeyn ka geysatay baadiyaha gobolka Idlib ee waqooyiga Suuriya.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah diyaaradda ayaa beegsatay Mooto dhug dhugleey xilli ay ku socdaalaysay wadada xiriirisa Ariixa iyo Al Masduumah oo kawada tirsan gobolka Idlib.

Diyaaradda duqeynta geysatay oo nuuceedu ahaa MQ9 RAPER ayaa sedax sawaariikh ah laheshay Mootada, jirka ruuxa labeegsaday oo googo'ay ayaa lagasoo aruuriyay wadada hareeraheeda.

5-ta ruux ee dhaawacmay ayaa hal qoys kasoo wada jeeda waxaana haleelay firirka gantaalladii ay tuuraysay diyaaradda Drone-ka, taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan cadowtooyo ee Suuriya ka dhacay.

Warka kasoo baxay CENTCOM ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu beegsaday hoggaamiye katirsan Al Qaacidda islamarkaana uu jiro khasaara soo gaaray dad rayid ah.

Dagaalyahannada Jihaadiga ah ee ka halgamaya waqooyiga Suuriya ayaa bartilmaameed u ah dowladda Mareykanka, duqeymo horay uga dhacay Idlib ayaa lagu xasuuqay tobanaan ruux shacab ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items