Saldhigga ciidanka Kenya ee degmada Ceelwaaq oo weerar culus lakulmay iyo warar kale.

Saturday December 04, 2021 - 11:27:31
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno iyo degmooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weeraro culus xalay fiidkii lagu qaaday saldhigga ciidanka Kenya ee degmada Ceelwaaqo.

Dagaalyahanno aad u hubaysan ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhigga ciidanka Kenya ee kuyaal banaanka magaalada.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in garneello lagu garaacay saldhigga ay sababeen gubashada teendho ay ku sugnaayeen ciidamada melleteriga Kenya.

Ugu yaraan hal askari ayaa la xaqiijiyay in uu si xun ugu dhaawacmay weerarka, dhinaca kale ciidamada wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Hoosingoow.

Ciidamada weerarka qaaday ayaa guri kuyaal deegaanka kasoo qafaashay Askari katirsanaa maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe, balse lama oga masiirka maxbuuska ugacan galay Islaamiyiinta.

Dhinaca kale weeraro culus ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan Sh/dhexe iyo Hiiraan, dagaalyahanno hubaysan ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhigga ciidanka Burundi ee deegaanka Biya Cadde, sidoo kale weerar culus ayuu lakulmay saldhig ay maleeshiyaadka maamulka 'Hirshabelle' ku leeyihiin Bariga Beledweyne.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items