Imaaraatka Carabta oo 80 diyaaradood oo nooca dagaalka ah ka iibsanaya Faransiiska.

Saturday December 04, 2021 - 12:08:27
Liibaan Jeexoow
Hoggaamiyaha dowladda Faransiiska ayaa bilaabay socdaal uu cagta ku marinayo qaar kamid ah dowladaha dhaca Mandiqadda Khaliijka carabta.

Kadib booqasho uu ku tagey madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron waddanka Imaaraatka ayuu kula kulmay dhaxal sugaha Imaaraatka Maxamed Bin Zaayid.

War murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Faransiiska ayaa lagu sheegay in dawladda Imaaraatku ay saxiixday heshiis ay Faransiiska uga gadanayso 80 diyaaradood oo nooca dagaalka ah, kuwaas oo ku kacaya dhawr iyo toban bilyan oo Euro.

Diyaaradahan ayaa la sheegay in ay yihiin dalabkii ugu badnaa ee abid dawlad kale ka iibsato Faransiiska.

Diyaaradaha oo ah nooca Rafaal ayaa keeniddoodu ku aaddan tahay sannadka 2025-2030 sida ku cad mashruuca F4 oo ah mashruuc horumarineed oo ku kacaya balaayiin doollar.

Macron socdaalka uu marayo wadamada kala ah Sacuudiga, Imaaraatka iyo Qadar waxaa ku wehlinaya ganacsato waaweyn oo madax ka ah shirkado Faransiis ah.

Socdaalkan ayaa ah mid uu Faransiisku ku raadsanayo hanti iyo awood uu ku yeesho mandiqadda loo bixiyay Bariga dhexe, dowladda Imaaraatka carabta ayaa safka hore uga jirtay xukuumadaha dabadhilifyada ee ka jira caalamka islaamka kuwaas oo reergalbeedka kala shaqeeya qamcinta muslimiinta.

Sannadkii hore ayaa muslimiinta caalami joojiyeen badeecadaha Faransiiska kadib markii wadankan lagu aflagaadeeyay Suubanaha Mux'med SCW taas oo uu Macron ku sheegay in ay tahay xorriyadda hadalka hadaaqaa madaxweynaha Faransiiska ayaa dhaliyay in malaayiin muslimiin ah oo daafaha caalamka ku dhaqan ay qaadacaan dhammaan alaabaha Faransiisku soo saaro.

Qaadacaadda muslimiinta ee badeecadaha dalkan ayaa sababtay khasaare Balaayiin dollar ah, dowladaha Khaliijka ee uu Macron booqanayo ahaa hodon ku ah saliidda waxayna hantida muslimiinta kula saaxiibaan Yahuudda iyo Nasaarada.

Related Items