Madaxweynaha Turkiga oo iskuday dil ka badbaaday

Sunday December 05, 2021 - 13:07:56
Liibaan Jeexoow
Ciidamada Turkiga ayaa ku dhawaaqay in ay fashiliyeen hawlgal lagu khaarajin lahaa Madaxweynahooda sida ay warbaahinta rasmiga ah ee dalkaasi sheegtay.

Waxaa la qabtey bambo gacmeed lagu xidhay gaadhiga mid kamid ah booliska oo sugayay amniga dadkii goobta joogay iyo madaxweynahaba; mar uu madaxweynuhu ku sugnaa Wilaayada Siirta sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi ee TRT.

Waxay wakaaladdu intaasi ku dartay in goorta la helay walxaha qarxa uu Erdogan ku sugnaa Siirta si uu mashaariic cusub xarigga uga jaro
Ciidamada ku takhasusay walxaha qarxa ayaa fashiliyay qumbuladdaas halka weli la baadhayo cidii falkaas ka dambaysay.

Dowladda Turkiga ayaa in ka badan 30 sano dagaal culus kula jirtay xisbiga shaqaalaha Kurdiyiinta ee loo yaqaan PKK wuxuuna xisbigaas gudaha Turkiga ka geystay qaraxyo gallaaftay nolosha kumanaan ruux oo ubadan saraakiisha ciidanka booliska iyo sirdoonka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items