Masar oo Cayrisay Safiirkii dowladda Imaaraadka Carabta.

Monday December 20, 2021 - 07:53:40
Liibaan Jeexoow
Safiirkii dowladda isutagga Imaaraatka Carabta u fadhiyey Masar ayaa laga tarxiiley magaalada Al-Qaahira.
Diblamaasi Masri ah ayaa sheegay in dawladda Masar ay caydhisey safiirkii Imaaraatka Xamad Saciid Shaamsi, Xamad ayaa lagu helay fal ka dhan ah aasaarta qadiimiga ah ee Masar.

Safiir Masri ah oo lagu magacaabo Maxamed Mursi ayaa sheegay in Xamad iyo saaxiibbadii ay shandado diblumaasi ah ku qaateen qaar kamid aasaarta qadiimiga ah ee waddanka si ay u dhoofiyaan.

Waxa kale oo uu ku ammaaney laamaha amniga iyo dabagalka ee waddankiisa sida ay ugu baraarugsanyihiin wax kasta oo ka dhan ah Masar.

Ahraamta qadiimiga ah oo ay dhiseen faraacinadii hore ayaa ah "Turaathka” ay ku faanaanto xukuumadda Camiilka ah ee ka jirta dalka Masar. Sida oo kale ahraamtaas ayaa ah meelaha loo dalxiis tago oo ay yaallaan alaab-dhaqameed hore oo daawashadooda lacag baadan laga sameeyo.

Dalxiiska ayaa kamid ah ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsantahay dowladda Masar waxayna sanad walba ka heshaa lacago Balaayiin doollar ah, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Imaaraatka oo ku saabsan safiirkeeda la eryay.

Wadaad Yare Xaashi

Related Items