Dagaalka Boosaaso oo maalintii 2aad galay iyo PSF oo qabsaday xarumo muhiim ah.

Wednesday December 22, 2021 - 08:41:01
Liibaan Jeexoow
Jabaqda rasaasta iyo hugunka madaafiicda ay labada dhinac is dhaafsanayaan ayaa markale saaka aroortii laga maqlay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Wararka ka imaanaya Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada maamulka 'Puntland' ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen xarumo ay magaalada uga suganyihiin maleeshiyaad mucaarad ah.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus, maleeshiyaadka PSF-ta ee mucaaradsan Saciid Deni ayaa difaacanaya xarumo muhiim ah oo ay ku qabsadeen dagaalkii shalay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xalay saqdii dhexe ay Boosaaso gaareen ciidamo gurmad ah oo Saciid Deni uu ka diray magaalada Garoowe, mas'uuliyiin katirsan maamulka gobolka Bari ayaa ku eedeeyay taliyaha PSF in uu taageero ka helayo dowladda Farmaajo.

Warsame Warfaa Xaaji
SOMALIMEMO, Muqdisho
Email:[email protected]

Related Items