Dowladda Itoobiya oo ka hadashay qaabka cusub ee ay u wajahayso dagaalka Tigray.

Thursday December 23, 2021 - 08:30:48
Liibaan Jeexoow
Ridwaan Xuseen wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Itoobiya
Ridwaan Xuseen wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Itoobiya
Markii ugu horraysay dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ka hadashay guuldarradii maleeshiyaadka TPLF kasoo gaartay dagaalladii ka dhacay gobollada Amhara iyo Cafar.
Xukuumadda Addis Ababa waxay sheegtay in ku dhawaaqiddii jabhadda Tigreega ee ahaa in ay isaga baxeen gobollada dariska la ah ay aheyd tallaab ay uqaadday dhanka fursadda nabadda.

Ridwaan Xuseen oo ah wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa diblumaasiyiin ajaanib ah ugu sheegay Addis Ababa in aysan ciidankoodu duullaan hor leh ku qaadi doonin gobolka Tigray balse ay qaadayaan tallaab walba oo dalka nabad loogusoo dabaalayo sida uu hadalka udhigay.

Wasiirkan xabashiga ah ayaa ku faanay in ciidamadoodu ay dhabarka ka jebiyeen kooxda TPLF "Ciidanka Federaaliga ah waqtigan howlgal kama fulinayaan gobolka Tigray balse waxay marwalba gudanayaan waajibkooda qaranimo ee lagu ilaalinayo midnimada Itoobiya" ayuu yiri wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Itoobiya.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa dhaliishay guddigii ay dhowaan Q.Midoobay usaartay in ay baaritaanno ku sameeyaan xasuuqii loo geystay dadka kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega.

Dadka saadaaliya arrimaha Itoobiya ayaa aaminsan in coladda wadankaas ka socoto ay gaartay meel xun islamarkaana ay adagtahay in aan xal lagu gaaro olole melleteri.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences