Taliska AFRICOM oo ka walaacsan dagaalka Maleeshiyaadka PSF-ta ka dhanka ah ee Boosaaso ka socda.

Thursday December 23, 2021 - 13:36:42
Liibaan Jeexoow
Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa ka hadlay dagaalka ka socda Boosaaso ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo maleeshiyaatka PSF ee uu Mareykanku tababaro.
Taliskan oo marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay in PSF ay tahay awoodda ciidan ee ugu xoogan ee u taagan waxa loo yaqaano "la dagaalanka argigixisada" islamarkaana ay ka walaaceen dagaalka cusub ee ay gashay.

Afhayeenka taliska ciidamada Mareykanka ee Africa Kelly Cahalan ayaa sheegtay in dagaaladan ay fursad siinayaan Jihaadiyiinta.

"Waxaan aad uga walaacsan in iska hor imaadyadan ay wiiqaan awoodihii la dagaalanka argigixisada ee gobolka Bari, ayna PSF fursad siiyaan argigixisada" ayey tiri"

sida dhawaan lagu sheegay warbixin uu baahiyey wargeyska Wall Street Journal, Ciidanka PSF oo ah ciidan uu tababaray islamarkaana taakuleeyo Mareykanka ayaa ka kooban illaa 600 oo Askari, waxayna ahaayeen kuwa ka madaxbanaan gacanta Maamulka Puntland tan iyo markii la aas-aasay sanaddii 2002.

Wuxuu wargeysku sheegay inuu Mareykanku markii horeba ku qaldamay qaab dhismeedka ciidankaas kadib markii ay maleeshiyaatkii ay qorayeen ka qorteen oo kaliya hal beel oo ka mid ah beelaha dega gobolka, taas oo keentay in hubkii, agabkii iyo saanaddii ay bixiyeen uu ku dhaco gacan qabiil si ka duwan halkii la rabay inuu ka dhaco maamulka ay shaqo wadaaga yihiin.

Related Items