Hoggaamiyaha maamulka 'Puntland' oo ku dhawaaqay in lasoo afjaray dagaalkii Boosaaso.

Saturday December 25, 2021 - 12:30:48
Liibaan Jeexoow
War rasmi ah oo kasoo baxay hoggaamiyaha maamulka 'Puntland' ayaa lagu sheegay in colaaddii magaalada Boosaaso lagusoo afjarayo xal nabadeed islamarkaana meesha laga saaray dhammaan xiisadihii magaalada ka jiray.
Saciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyay Telefeshin fadhigiisu yahay magaalada Garowe ayaa wax laga qoomameeyo ku sifeeyay dagaalkii lagu hoobtay ee Boosaaso ka dhacay.

wuxuu iclaamiyay in uu diyaar uyahay in wax walba oo ay xal u arkaan odayaasha gobolka Bari uu aqbalayo "Waxaan halkan ka amrayaa in ciidan xabad ridi kara aysan jirin, waana in ay ku sugnaadaan goobohooda joogaan, waxaan ugu baaqayaa Dadkii barakacay in ay soo laabtaan” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha maamulka 'Puntland' oo umuuqday mid qiraya in looga adkaaday dagaalkii Boosaaso ayaa ballan qaaday in ciidamada PSF-ta aan loo raacan doonin dhibkii ay geysteen.

Dagaalladii dhacayay sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa sababay dhimashada tobanaan ruux iyadoona maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee PSF ay si adag isaga difaaceen ciidamada maamulka 'Puntland'.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items