Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Maamulka 'Jubaland' Oo Lagu Khaarijiyey Kismaayo

Saturday December 25, 2021 - 15:39:19
Liibaan Jeexoow
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax xoogan maanta lala eegtay Sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulka Jubaland sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogeyaal ah.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala helay gaari uu la socday Sarkaalka la beegsaday, waxaana la xaqiijiyey in isagii la dilay, gaarigii uu watayna gebi ahaanba burburay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxan, waxaana ay sheegtay inay ku beegsatay sarkaal lagu magacaabo Axmad Gurey oo ahaa mas'uul ka tirsan sirdoonka maamulka Jubaland.

Idaacadda Andalus ayaa sheegtay in sarkaalkan uu ahaa nin lagu raadjoogay in muddo ah oo ku lug lahaa dilka iyo raafka dad Muslimiin ah oo maamulka Jubaland uu ka geystay magaalada Kismaayo.

Tani waxay muujineysaa in Mujaahidiintu ay mar un mujrimiinta dhadhansiin doonaan dambiyada iyo gaboodfalada foosha xun ee ay ku kaceen" ayuu yiri sarkaal u hadlay Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa imaanaya iyadoo xaley Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay weerar qorsheysan ku dishay gudoomiyihii deegaanka Taabto ee maamulka Jubland iyo xubno ka tirsanaa xafiiskiisa kuwaas oo lagu khaarijiyey howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka.

Related Items