Guddigii Dhax dhaxaadinta colaadda Boosaaso oo laba garab ukala jabay.

Thursday January 13, 2022 - 08:12:08
Liibaan Jeexoow
Mas'uuliyiin horay xilal ugasoo qabtay maamulka 'Puntland' iyo dowladda Federaalka ayaa si kulul ugasoo horjeestay bayaan kasoo baxay Isimada gobolka Bari oo ku aadanaa colaadda ka taagan magaalada Boosaaso.
Bayaan ay soo saareen xubnihii dhax dhaxaadinta ka dhax waday Saciid Deni iyo taliyaha PSF-ta ayay ku sheegeen in go'aanka Isimada Bari uu sii hurinayo khilaafkii Boosaaso ka jiray sidaas daraadeed aysan ayidsaneyn.

Cumar Cabdi Rashiid oo kamid ahaa siyaasiyiintii Boosaaso tagay ayaa wax aan laqaadan karin ku sifeeyay go'aanka Isimada Bari oo dhigayay in Taliyaha PSF-ta xilkiisa loo daayo tallaabadaas waxaa ka carooday maamulka 'Puntland'.

Kala hadalka wafdigii waan waanta Boosaaso utagay ayaa ceel kusii ridaya rejadii laga qabay in lasoo afjaro colaadda ka aloosan gobolka Bari, dagaallo bishii lasoo dhaafay dhaxmaray PSF-ta iyo ciidamada Deni waxaa ku dhintay tobanaan ruux halka boqolaal kun oo qof ay ku barakaceen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items