6 sano oo kasoo wareegtay dagaalkii Ceel-Cadde ee lagu laayay ciidamada Kenya [Warbixin].

Saturday January 15, 2022 - 12:25:57
Liibaan Jeexoow
Aroortii hore ee 15,1,2016 maanta oo kale ayay ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab waxay weerar ku kadiyeen ciidamo katirsan soo duulayaasha Kenya oo xilligaas ku sugnaa degmada Ceel-Cadde.
Sidoo kale maanta waxay ku beegantahay sedax sano kadib markii uu dhacay weerarkii DusitD2 ee magaalada Nairobi halkaas oo dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ay ku laayeen dad isugu jira Kenyaan iyo ajaanib reergalbeed ah.

Dhismayaal isku raran ah ayuu weerarku ka dhacay iyadoona ciidamada ammaanka Kenya ay ku adkaatay soo afjaridda dagaalyahannadii weerarka qaaday.

Weerarkii Ceelcadde oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa lagu xasuuqay ku dhawaad 200 oo katirsan melleteriga Kenya ee KDF-ta loo yaqaan.

Degmada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa qiyaastii 60KM ujirta magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

Dagaalyahannada jihaadiga ah ayaa dagaalka ku qabsaday gaadiid gaashaaman oo ciidanka Kenya lahaayeen, Keydad hub ah iyo saanado kale oo melleteri.

Dagaalkii Ceel-Cadde ayaa sumcad xumo usoo jiiday dowladda Kenya oo sheegan jirtay in ay leedahay melleteri tababar iyo qalab wanaagsan leh.

Sidoo kale guul darradii Ceel-Cadde ayaa hoos u dhigtay shacbiyadda dowladda Kenya ay ku leedahay gudaha dalkeeda, boqolaal kamid ah waalidiinta askartii lalaayay ayaa dowladooda ka waayay wax caddeyn ah iskaba daay in ay siiso lacago Magdhow ah.

illaa iyo hadda xukuumadda Kenya lagama haayo caddeymo rasmi ah oo ku aaddan tirakoob ah askartii looga dilay deegaanka Ceel-Cadde.

Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyihii hore ee Dowladda Federaalka ayaa wareysi uu bixiyay ku xaqiijiyay in 200 oo askari Kenya looga dilay dagaalkii Ceel Cadde.

Dagaalkii Taariikhda galay ee Ceel Cadde ayay warbaahinta caalamiga ah siisay Pages ugaar ah halka shabakadaha dhacdooyinka keydiye ay siiyeem muhiimad gaar ah shabakadda Wikipedia ayaa sameysay linki gaar ah oo ay ciwaan uga dhigtay Battle of El Adde.

hadda oo 6 sanadood laga joogo dagaalkii Ceel Cadde ciidamada Kenya waxay ka baxeen inta badan deegaannadii ay ka joogaan gobolka Gedo sida Faafax-dhuun Buusaar iyo Baardheere waxayna difaacyo kasoo ooteen saldhigweyn oo ay ka sameysteen degmada Ceelwaaq.

Related Items