Xoogaga Jihaadi ah oo la wareegay deegaan katirsan gobolka Galguduud.

Saturday January 15, 2022 - 18:39:09
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobollada dhex ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in markale ay is fidin sameeyeen xoogag jihaadi ah.
Maanta gelinkii dambe ayay ciidamada wilaayada Islaamiga Galguduud si nabad gelya ah kula wareegeen tuulada Maarso-Muunge ee hoostagta deegaanka Baxdo.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay arkeen ciidamo aad u hubaysan oo gudaha usii gelaya tuulada mana dhicin wax iska hor'imaad ah.

Tuulada Marso Muunge ayaa qiyaastii 30Km ujirta deegaanka Baxdo waxaana marta waddo isku xirta Mudug iyo Galguduud, isbuucii hore ayay aheyd markii ay dagaallo culus ka dhaceen deegaanka Cadakibir ee hoostaga degmada Cadaado.


Related Items