Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Al Shabaab oo ka hadlay.

Sunday January 16, 2022 - 12:50:31
Warsame Warfaa
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho kaas oo lala beegsaday masuul ka tirsan DF.

Qaraxa ayaa waxaa uu haleelay gaari uu saarnaa Maxamad Ibraahim Macalimuu, kaas oo ahaa afhayeenka Xafiiska ra'iisul wasaaraha DF.

Dad ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in gaariga uu watay Macalimuu uu burbur soo gaaray, isla markaana uu jiro khasaare ka dhashay weerarka.

Dhanka kale Xarakada Al-Shabaab al Mujaahidiin ayaa sheegatay masuuliyada weerarka ka dhacay Muqdisho.

Hadal kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas lala beegsaday masuul ka tirsan DF, Isla markaana uu jweerarku u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Warar kala duwan oo ay heshay SomaliMeMo ayaa kasoo baxaya xaalada Macalimuu, iyadoo qaar kamid ah goobjoogayaashu ay sheegayaan inuu soo gaaray dhaawac aad culus, isla markaana goobta laga qaaday isagoon wax dhaq-dhaqaaq ah ama miir ah lahayn.

Dhinaca kale taliska booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay weerarka lagu dhaawacay Afhayeenka xukuumadda, qoraal kale oo kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in Macalimuu uu dhaawac soo gaaray.

Wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha kala soco SomaliMeMo.


Related Items