Saldhigga ciidanka Itoobiya ee degmada Xudur oo weerar culus la kulmay.

Sunday January 16, 2022 - 12:41:18
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday mid kamida saldhigyada ay ciidamada shisheeye ku leeyihiin gobolkaasi.
Dagaal culus ayaa xalay ciidamada Itoobiya iyo xoogag jihaadi ah ku dhaxmaray degmada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool.

Goob joogayaal ayaa sheegay in hubka culus ee labada dhinac ay is dhaafsanayeen laga maqlayay magaalada iyo hareeraheeda, xoogaga weerarka qaaday ayaa saldhigga ciidamada Itoobiya ku beegsaday gantaallada garbaha laga gemo waxaana xigay iska hor'imaad fool ka fool ah.

Daqiiqado kadib markii uu soo idlaaday dagaalka ayay ciidamada Xabashida madaafiic ku garaaceen deegaanno dhaca duleedka degmada Xudur balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items