Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo si dirqi ah uga badbaaday isku day dil.

Sunday January 16, 2022 - 12:46:31
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay weerar ka dhacay deegaan katirsan gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya duleedka galbeed ee magaalada Beled Weyne ayaa sheegaya in weerar jidgal ah loo dhigay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan ugu magacaaban maamulka 'Hirshabelle'.

ilo wareedyo aya sheegaya in guddoomiye Cali Jeyte Cismaan uu si dirqi ah uga badbaaday weerar jidgal ah oo ay u dhigeen ciidamo katirsan Al Shabaab.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in iska hor'imaadka lagu dilay askari ilaala u ahaa halka uu dhaawac soo gaaray illaa 4 askari.

Guddoomiyaha badbaaday iyo ciidamo uu la socday ayaa dib ugu laabtay magaalada Beled Weyne waxaana usuura geliwaysay in ay gaaraan deegaanka Far-Libaax.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items