Sarkaal katirsanaa melleteriga Kenya oo ku dhintay weerar ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

Sunday January 16, 2022 - 16:47:15
Liibaan Jeexoow
sawir hore gaari laga gubay ciidanka Kenya
sawir hore gaari laga gubay ciidanka Kenya
Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Jubbada hoose.
Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaaday saldhigga ciidamada melleteriga Kenya ay ka sameysteen deegaanka Taabto ee hoostaga Dhoobleey.

Sida ay wararku sheegayaan weerarka waxaa lagu dilay sarkaal taliye horin ah oo katirsanaa ciidamada Kenya ee loo yaqaan KDF halka uu dhaawac soo gaaray 4 kale.

Dhinaca kale ciidamada wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhigga deegaanka Baarka ee duleedka magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku suganyihiin maleeshiyaad uu Mareykanku tababaray.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items