Qaraxyo hurdada ka toosiyay malaayiin qof oo Iiraan ka dhacay.

Sunday January 16, 2022 - 16:50:46
Liibaan Jeexoow
Warbaahinta maxalliga Iiraan ayaa sheegtay in qaraxyo cabsi leh ay ruxeen dhowr magaalo oo wadankaasi katirsan.
Qaraxyada oo ahaa kuwa is xigxigay ayaa xalay saqdii dhexe waqtiga maxalliga ah ayaa ruxay magaalooyin dhaca galbeedka wadanka Iiraan waxaana kamid ah magaalada Karamshaah iyo Hamdaan.

Mas'uul diiday in magaciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in ay maqleen dhawaq argagax leh balse aysan sheegi karin waxa ay qaraxyadan ka dhasheen.

"Qaraxyadu waxay ahaayeen kuwa is xigxigay oo cabsi nagu beeray mana garan karin halka wax ka dhacayeen" ayuu sidaas waxaa yiri qof goob jooge ah.

Caddeymo rasmi ah oo uu jeediyay afhayeenka amniga qaranka Iiraan ayuu ku xaqiijiyay in ay dhaceen qaraxyo dhulgariir lamoodo balse wuxuu diiday in uu bixiyo faah faahin intaas ka dheeraad ah.

Ciidanka cirka Yahuudda ayaa dhowr jeer duqeymo ku beegsaday warshado iyo xarumo kuyaal gudaha wadanka Iiraan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items