Dowladda Qadar oo cambaaraysay qaraxii lagu dhaawacay Afhayeenka DFS.

Sunday January 16, 2022 - 17:07:54
Liibaan Jeexoow
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada dowladda Qadar ayaa si kulul loogu dhaleeceeyay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo lagu beegsaday mas'uul sare oo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xukuumadda Dooxa ayaa isku daygii dil ee lala maagay Afhayeenka Xukuumadda Rooble ku sifaysay mid argagaxiso oo aan la aqbali karin "Dowladda Qadar waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarkii isku dayga dil ahaa ee lagu beegsaday gaariga Afhayeenka xukuumadda Federaalka laguna dhaawacay" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda dabadhilifka Qadar ayaa markale ku celisay in ay diidantahay waxa ay ugu yeertay falalka argagaxiso iyo dilalka siyaasadeed.

Nidaamka ka jira dalka Qadar ayaa taageera siiya duullaanada caalamiga ah ee Mareykanka iyo xulufadiisa ay ku qaadeen dunimada muslimka, sidoo kale Qadar ayaa taageera maaliyadeed iyo mid siyaasadeed siisa ciidamada shisheeye ee Soomaaliya kusoo duulay iyadoona galaangal weyn ku leh siyaasadda dabadhilifnimada ku dhisan ee dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items