dowladda Mareykanka ayaa markale ka hadashay duullaanka ballaaran ee Ruushku uu ku qaaday dalka Yukreyn.
Joe Biden ayaa aqalka cad uga dhawaaqay in dhammaan diyaaradaha rakaabka Ruushka laga mamnuucay isticmaalka hawada dalka Mareykanka.
Biden wuxuu sheegay in ay sare usii qaadi doonaan cunaqabateymaha ay saarayaan nidaamka Puntin inta uu sii wado dagaalka ka dhanka ah dowladda Yukreyn.
Dhinaca kale Ururka midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in uu xayiraad kusoo rogay bankiga dhexe ee dowladda Ruushka, dowlado ay kamid yihiin Ingiriiska,Faransiiska,Jarmalka iyo Talyaaniga ayaa joojiyay wadashaqeyntii maaliyadeed ee kala dhaxaysay Sberbank oo ah bankiga ugu weyn dowladda Ruushka.
Shirkadaha MasterCard iyo Visa Card ayaa goor sii horraysay sheegay in ay xanibaad kusoo rogaan wadashaqeyntii kala dhaxaysay bankiyada dhaqaalaha dalka Ruushka.