Dowladda Mareykanka oo ka hadashay dagaalka markale ka dhaxqarxay Amxaarada iyo Tigreega.

Saturday April 09, 2022 - 12:45:58
Liibaan Jeexoow
Xukuumadda Washington ayaa sare uqaadday walaaceeda ku aaddan dagaallada faraha looga gubtay ee waqooyiga Itoobiya ku dhaxmaraya kooxaha mucaaradka ah iyo ciidanka dowladda.
Ned Price oo ah Afhayeen uhadlay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay in ay soo gaareen warbixinno sheegaya gabood fallo hor leh oo loo geysanyo dadka kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega.

Mareykanku wuxuu sheegayaa in isku dhacyo culus ay dhaxmarayaan maleeshiyaad Amxaaro iyo Tigree ah, malaayiin ruux ayaa ku go'doonsan gobolka Tigray kuwaas oo laga xarrimay adeegyada aas-aasiga u ah nolosha Bani'aadamka.

Dowladda Itoobiya ayaa reergalbeedka ku eedaysa in ay taageero siinayaan mucaaradka ayna marwalba soo saaraan warbixinno xaaladda sii adkeynaya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items