Qarax gaari looga gubay melleeteriga Kenya oo Kaambooni ka dhacay iyo warar kale.

Wednesday April 13, 2022 - 12:27:42
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar culus oo saacadihii lasoo dhaafay lagu qaaday ciidamada gummeysiga Kenya ee duullaanka ku jooga deegaanno katirsan Jubbada Hoose.
Wararka ka imaanaya Cirifka fog ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax lagu beegsaday kolonyo ciidamo Kenyaan ah xilli ay ku socdaalayeen duleedka deegaanka Kaambooni.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in miino dhulka lagu aasay ay haleeshay gaari Kooyal ah oo ay wateen ciidamada melleteriga Kenya, sida ay wararku sheegayaan in ciidamada ayaa gaariga gubtay goobta uga tagay iyagoo meydad iyo dhaawacyo udaabulay dhanka xerada Koodi ee ku dhow deegaanka Kaambooni.

Dhinaca kale weeraro culus ayaa xalay lagu miray dhowr saldhig oo ay ciidamada AMISOM uga suganyihiin gobollada sh/dhexe iyo Sh/hoose.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Cadale ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe dhowr jiho laga weeraray saldhigga ciidanka Burundi ee tuulada Xaaji Cali.

Sidoo kale weeraro culus ayaa xalay lagu beegsaday saldhigyo ay ciidamada Uganda uga suganyihiin degmooyinka Qoryooleey,Janaale iyo Janaale balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items