MAQAAL: Ma Sidaan Ka Filaayay Mise Saan Kusoo Arkay? WQ: Cumar Gaadaco.

Thursday April 14, 2022 - 18:27:03
Laba maalmood ka hor bishan Ramadaan, waxaan xilli aroor ah safar uga kallahay magaalada Muqdisho kadib markii arrin degdeg ah oo quseysa familkeena ay iigu yeertay hooyadey Faadumo Ashkir oo ku nool magaalada Bu'aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe, halkaasoo ay iigu dambeysay muddo 15 sano laga joogo.

Hooyo ayaa 2019kii dib ugu noqotay magaaladii ay ku dhalatay ee Bu’aale iyadoo u dhawaaneysa geela iyo beeraha Abtiyaashayo si ay ula tacaasho xanuunka Sonkorta oo loo sheegay in aan loo gaarin caanaha geela ee saafiga ah iyo cuntada diirka leh. Alle mahadi socdaal qaatay 10 saacadood kadib, waxaan ku furanay gurigii nalaga sugayay oo casho iyo soo dhaweyn diiran na loogu sameeyay aniga iyo seedigey Cabdimahad oo ila socday.


Akhristow, ujeedada maqaalkeygani ma ahan ka sheekeynta arrintii aan u baxay ee caa’iladeena, mana ahan buunbuuninta ama dhalleeceynta kooxda asal-raaca ah ee Al-Shabaab oo ka talisa dhulkii aan tagay, hase ahaateen waxaan u holladay inaan idinla wadaago xaqiiqooyin dhab ah oo aan isleeyahay waa u muhiim qof walba oo sideyda oo kale waayahan uga indho xirnaa Wilaayaatka.


Inkastoo markii hore aan ka walwalsanaa sida aan ugu soomi doono dhul bey’o ahaan iyo maamul ahaan igu cusub, haddana waxaan 10ka maalmood ee Ramadaanka kusoo qaatay magaalooyin ka tirsan gobolada Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Shabeelada Hoose, oo kala ah Bu’aale, Saakow, Jamaame, Kamsuuma, Jilib iyo Kuunyo-barrow, waana midda ii suura galisay inaan Xamar kusoo laabto anigoo xog iyo xaqiiqooyin badan xambaarsan.


Jiirooni (Koobka Ramadaaka) Kama jiro Wilaayaatka Islaamiga


Lixda magaalo ee aan cagta mariyay waxaa iiga muuqday horumar dhanka ganacsiga iyo dhismaha degaanka ah, muuqaalka dadkana waa mid wanaagsan oo ifaya, hase yeeshee waxaanan marnaba indhahayga saarin garoon ay dad badan usoo daawasho tageen oo lagu qabtay Jiirooni ama cayaaraha kubadda cagta si ay saa’imiintu ugu madadaalaan ama waqtiga ku lumiyaan. Si ka duwan habka ay dhallinta Muqdisho u ciyaaraan ama ugu daawasho tagaan garoomada, waxay barbaarta aan soo arkay ahaayeen kuwa ku mashquulsan tartamo Qur’aan oo ka socda masaajida oo kala mustawo ah, heer xaafadeed, heer degmo iyo heer gobol intaba.


Masaajidda ay ka dhacayeen tartamada ayaa ahaa kuwa camiran oo dad badani usoo daawasho tagaan inta uu tartanku socdo, waxaana ii muuqanayay in maamulada Xarakada Al-Shabaab ay dhaqaale badan ku bixiyeen baratannada Ramadaaniga ah, wiilal oo kaliya ma ahan kuwa tartamayay ee waxaa kaalintooda ka qaadanayay gabdhaha.


Iyadoo aan garoomada iyo fagaarayaasha ka waayay wax ciyaaro ah, haddana dhallinyaradii aan arkay qiyaastii 65% waxay ahaayeen kuwa jir ahaan dhisan oo muruqyo kuuskuusan, qaar badan oo kamid ah dhallinta waxaa jirdhis u ah tacabka beeraha, jiimka oo magaalloyinka qaar ganacsi ahaan uga furan iyo socodka xilliyada aroortii sida uu ii sheegay ganacsade firfircoon oo mehrad ku leh Kuunyo Barrow oo ka mid ah deegaanada hoos taga degmada Baraawe.


Waxaan soo arkay dhallinyaro waqtiga ku xisaabtamaya oo jadwal leh islamarkaana aan oggoleyn in ay daqiiqad ku lumiyaan wax aan macno lahayn, arrinta kale ee isoo jiidatay waxay tahay in shabaabka yaryar ee 15 jirrada ahi yihiin kuwa caqli iyo maskax ahaan u fakaraya sida 30 jirka, waxay kaaga sheekeynayaa waxa ka jira wadanka, ujeedada ay dalka u yimaadeen ciidamada shisheeye iyo in xalka Soomaaliya yahay ku dhaqanka shareecada islaamka.


Waa dhallinyaro ay sunnadu ka wada muuqato, food aan lahayn, balwadna aan isticmaalin, gabdhahuna waa ay wada xijaaban yihiin oo marnaba lagama yaabo iney indhahaaga qabtaan dumar cawradoodu muuqato oo dhar ku dhegan soo xirtay, shaqsi ahaan waxaan aaminsanahay in indhahayga ii badbaadeen, badqabka soomkeyguna wanaagsanaa ayaamihii aan halkaa joogay, walow aan haatan kusoo laabtay magaalo ay dad kala nooc ah kaa hor imanayaan ama gaari kula raacayaan, waana arrin aan mar kasta ku xasuusto suugaan uu Abwaan dhoodaan ku cabirayay qaawnaanta.


Asturkii kolkii laga baxay bay, sii burburiyeene

Waxay baratamaayaan kob aad, uga ba'aysaaye

Boggaa qaawan barta xaluska iyo, bari dabkii gaadhay

Adoon baadhin baad heli kartaa, booska uu yahaye

Hablo badanka soo wada qarshaan, kaa baryahayaaye


Lagama Yaqaano Xaflado Qoob ka Ciyaar ah Iyo Isdhexgalka Ragga iyo Dumarka.

Mid kasta oo kamid ah magaalooyinkii aan tagay waxaa ku yaalla Hoteello iyo Guryo bilaash ah oo dadka masaafurka ah loogu tala galay ayna dhiseen maamulada kooxda Al-Shabaab ee halkaa ka jira, saasoo ay tahayna waxay dad badani ii sheegeen in uusan jirin hal Hoteel oo lagu qabto Show heeso ah ama Riwaayado bisha Ramadaan iyo bilaha kalaba.

Oday adeerkey ah oo la yiraahdo Qooje Xassan ayaan mar aan kaftameynay ku iri’ (adeer meelaha aad ka liidataan waa caweyska iyo baashaalka habeenadii ee ma ku qanacsan tihiin) markaasuu isagoo muusoonaya igu yiri: "adeerow wadankaan waxaan soo joogay anigoo ku caweeya Curubo iyo Jubba walibana aaminsan inay horumarka qeyb ka tahay, lagamana faa’iidin wax aan ka ahayn macsiyo iyo Alle ka dheeraansho, waa maxay waxa laga filan karo niman iyo naago ajnabi kala ah oo wada jaasaya haddana meel ku wada dhafraya?


Hadda markaan tago Xamar iyo Kismaayo waxaan soo laabtaa anigoo yaaban, ma ila socotaa? halkan ayaan ku qalbi qaboobaa mana jirto meel aan uga kalsooni badanahay akhlaaq ahaan iyo diin ahaan”... adeerkey wuu garnaqasaday xaqiiqdii mana helin wax aan hadalkiisa ku bushiyo.


Magaalooyinkaas waxaad socon kartaa habeenkii oo dhan, ganacsiga ayaa furan intii la doono, korontadu waa 24 saac, ma jiraan isbaarooyin iyo cid ku baaranaysa ama dhac kuu geysanaysa, ma arkeysi wadooyin dhagxaan lagu gooyay iyo jidad la xiray oo la leeyahay waxaa maraya madaxda iyo saraakiisha Xarakada, Masaajidda ayaa wada camiran xilliyada salaadaha, indhahaagu ma qabanayaan goob ganacsi oo furan iyo gaadiid socda oo aan kuwa safarka ka ahayn, taraawiixda ayaa aad loo soo buuxiyaa masaajidda rag iyo dumarba.


Idaacadda Al-furqaan iyo tan Al-Shabaab ee Andalus


Bulshada ku dhaqan Wilaayaatka waxay aad ugu xiran yihiin Idaacadda ku hadasha Afka Xarakada Al-Shabaab ee Andalus iyo Idaacadda Al-furqaan,intii aan anigu ku sugnaa halkaas waxaa la yaab igu noqday sida loo dhageysto Al-furqaan iyo Andalus, xilliyada wararku soo galaan waxay ka shidan yihiin meel walba suuq iyo xaafado, Idaacahan oo aan kala socon jiray baraha ay Internetka ku leeyihiin ayaa haatan u muuqday kuwa ka miisaan weyn sidii aan u maleynayay (waa marka aan ku qiimeeyo dhageystayaashooda Wilaayaatka” oo ka kaaftoomay dhageysiga Idaacado kale.)


Habeenadii aan ku sugnaa Jilib iyo Bu’aale, waxaan arkay dadka oo wada sugaya tartan aqooneed qaab cajiib ah loo qabto oo Taraawiixda kadib laga soo baahiyo Idaacadda Andalus, halka magaalooyin kale oo ay kamid yihiin Saakow, Jamaame iyo Kuunyo ay bulshadu si weyn ugala socoto barnaamij taxane ah oo la yiraahdo "Ilbaxnimadu waa islaamka” oo ay sii deyso Al-furqaan, inta ay hawada ku jiraan idaacadahan marnaba ma maqleysid heeso music wata iyo maadeys toona, balse waxay waqtigooda u qeybiyeen barnaamijyo, warar, duruus, muxaadaraat, gabayo iyo anaashiid iyo farriimo wacyi galin ah oo ku saabsan nadaafadda, caafimaadka, Alla ka cabsiga, xiriirinta qaraabada, daris wanaagga, sadaqada iwm, waxaan soo arkay bulsho iyo magaalooyin horumar ku naaloonaya, hadduu Alle idmana waxaan ku tala jiraa in aan kusoo ciideysanno aniga iyo saaxiibo kale, kana soo qeyb galno Arooska walaasheey Hibo Cusmaan, Insha’allaah.


Ugu dambeyntii waxaan halkan kusoo gudbinayaa su’aal muhiim ah oo ku socota qof walba oo akhrinaya maqaalkaygan, walaal maxay kula tahay waxa sababta u ah nabadda la isku raacsan yahay Muslim iyo Gaalba ee ka jirta Wilaayaatka Islaamiga, Nabaddan ma waxaa lagu helay ciidan iyo khibrad, mise waxay ku timid ku dhaqanka Shareecada Islaamka? Mar baan is weydiiyay Somaliland iyo maamullo kaleba nabad sow kama jirto (haa waa sax) laakin waa nabad lagu caayayo Nabiga Sallallaahu Caleyhi Wassalam, waa nabad Qaadka lagu kabanayo Khamriga, Hoteeladana lagu tunto? Nabaddaas ma ahan ta aan ka hadlayo ee waa nabadda ka jirta Wilaayaatka Islaamiga.


WQ: Cumar Cismaan Xareed (Gaadaco)


Muqdisho, Soomaaliya


Related Items