Mas'uul katirsan guddiga FEIT oo qarax lagula beegsaday magaalada Jowhar.

Sunday April 17, 2022 - 11:06:49
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax khsaara dhaliyay oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.
Sida ay wararku sheegayaan jugta qarax xooggan ayaa maanta barqadii laga maqlay agagaarka garoonka diyaaradaha macmalka degmada Jowhar.

Qaraxa ayaa lala beegsaday gaari qooqan ah oo uu la socday mas'uul katirsan guddiga doorashooyinka heer Federaalka (FEIT) kaasi oo lagu magacaabo Mahad Cumar Cabdi.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in qaraxa ay ku dhinteen 2 askari oo ilaala u ahaa mas'uulka labeegsaday halka uu dhaawac soo gaaray ruuxii bartilmaameedka ahaa iyo 1 askari.

Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka sida ay baahisay Idaacadda islaamiga Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items