Dhageyso: Jihaadiyiinta oo Gurmad Raashin qeybin ah ka sameeyay deegaanno katirsan Bari.

Monday April 25, 2022 - 14:19:58
Liibaan Jeexoow
sawir hore Raashin laga qeybiyay gobolka Sanaag
sawir hore Raashin laga qeybiyay gobolka Sanaag
Dhammaan wilaayaadka islaamiga ah ee dalka Soomaaliya waxaa wali ka socda gurmadka loo fidinayo dadka ku saamoobay abaaraha dalka ku dhuftay.
Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Xarakada Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay wuxuu gurmad raashin ah gaarsiiyay dadka Abaaruhu ay saameeyeen ee ku dhaqan deegaanno katirsan gobalka Bari .

Sideetameeyo qoys oo ka faa'iidaystay mashruucan raashin qeybinta ah ayaa ka mahad celiyay gurmadka lasoo gaarsiiyay waxayna sheegeen in raashinka lasoo gaarsiiyay xilli ay ku sugnaayeen xaalad adag.

Goobaha gurmadka laga qeybiyay waxay kala yihiin

1 deegaanka Sheybaab ee gobalka Bari.

2 deegaanka Kayaxo ee gobalka Bari.

3 deegaanka Dasaam ee gobalka Bari.

Tirada qoysaska wax loo qeybiyay ee ka faa'iidaystay mashruucan waa 83 qoys, qaar kamid ah dadkii wax loo qeybiyay oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ay umahad celinayaan Al Shabaab waxayna codsadeen in la kordhiyo raashin qeybinta inta ay baartu jirto.

Al Shabaab ayaa gacanta ku haya dhowr deegaan oo ka kala tirsan gobollada Bari iyo Sanaag ee waqooyi Bari Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso Dadkii Raashinka lasiiyay MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items