Nin Bilyuneer American ah oo iibsaday shirkadda Twitter.

Tuesday April 26, 2022 - 13:03:49
Liibaan Jeexoow
Maalqabeen udhashay dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu iibsaday mid kamida shirkadaha ugu caansan baraha bulshada.
Elon Musk oo ah Bilyuneer ayaa iibsaday barta Twitterka wuxuuna awood uyeelan doonaa in uu kala diro xubnaha fulinta ee Twitter maamula.

Ninkan ayaa bixiyay lacag ka badan 44 Bilyan oo doollar taas oo ka dhigan in uu gacanta ku haayo saamiga ugu badan ee shirkadda.

Elon Musk waxaa lagu sheegaa in uu yahay ninka ugu lacagta badan adduunka waxaana ku xiga maalqabeen kale oo madax ka ah shirkadda Amazon.

Twitter waxaa la aas-aasay sanaddii 2006 balse waxay soo caan baxday wixii ka dambeeyay sanaddii 2011 kolkaas oo caalamka carabta ay ka dilaaceen kacdoonnadii loogu magac daray Guga Carbeed, bartan waxaa isticmaala siyaasiyiinta iyo dadka caanka ka ah wadamada caalamka waxayna saameyn ku leedahay jihaynta siyaasadaha caalamka.

Dad ka badan 200 oo malyuun ayaa la sheegay in maalin walba ay isticmaalaan barta Twitter, labadii sano ee lasoo dhaafay ayuu aad hoos ugu dhacay saamiga shirkaddan sababa laxiriira fadeexado dhanka amniga ah oo lasoo darsay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items