Cabdi Xaashi oo markale loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare.

Tuesday April 26, 2022 - 14:23:29
Liibaan Jeexoow
Kadib doorasho ka dhacday Teendhada Afisyooni ee xerada Xalane magaalada Muqdisho ayaa lagu doortay hoggaanka golaha aqalka sare ee dowladda Federaalka.
Doorshada guddoomiyaha aqalka sare waxaa ku loollamayay illaa sedax musharax kuwaas oo kala ahaa Cabdi Xaashi, Saalax Jaamac iyo Cusmaan Dubbe.

Wareegii koowaad ayaa lagu kala baxay waxaana ugu cod banaaday Cabdi Xaashi oo helay 28 cod halka uu Saalax Jaamac uu helay 24 cod waxaana sidaas guddoomiyaha aqalka sare loogu doortay Cabdi Xaashi oo 5tii sano ee lasoo dhaafay kursigan ku fadhiyay.

Doorashadii maanta dhacday ayaa lagu sheegay mid hor udhac u aheyd guuldarrada dhanka siyaasadda ee madaxweyne Farmaajo ku habsatay, Villa Somalia ayaa dadaal dheeri ah ku bixinaysay sidii isbedel loogu sameyn lahaa hoggaanka aqalka sare.

Doorashada berri ka dhici doonta Teendhada Afisyooni ee guddoonka cusub ee baarlamaanka ayay siyaasiyiintu indhaha ku wada hayaan, waxaa larumeysanyahay in doorashadaas ay xadidi doonto cidda madaxweynaha ka noqonaysa DF-ka afarta sano ee soo socota.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items