Xildhibaannadii Garbahaarey lagusoo doortay oo buuq ka sameeyay fadhigii baarlamaanka.

Saturday April 30, 2022 - 14:28:27
Liibaan Jeexoow
Buuq iyo fowdo ayaa hareeyay kulankii ay maanta yeesheen xildhibaanada baarlamaanka dowladda Federaalka.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa mar qura gudaha usoo galay xildhibaannadii taageersanaa Farmaajo ee dhowaan lagusoo doortay magaalada Garbahaarey.

Durbadiiba xildhibaanno katirsan maamulka Axmed Madoobe ayaa bilaabay in ay buuqaan waxayna codsadeen in  dibadda loo saaro xubnaha Garbahaarey ka yimid.

Sidoo kale waxaa fadhigii maanta ku sugnaa xildhibaannadii maamulka 'Jubbaland' ee lagusoo doortay dhanka magaalada Ceelwaaq.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka ayaa sheegay in si nabad doon xal looga gaari doono murunka ka taagan xildhibaannada ka yimid gobolka Gedo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items