Melleteriga Ruushka oo 20,000 Shacab ah ku dilay magaalada Mariupol.

Saturday April 30, 2022 - 14:32:01
Liibaan Jeexoow
Kumanaan kun oo qof shacab ah ayaa ku dhintay dagaalladii cuslaa ee ka dhacay magaalada Mariupol ee dhacda xeebaha bari ee wadanka Yukreyn.
Duqa magaalada Mariupol ayaa sheegay in dad ka badan 20,000 oo ruux ay ku dhinteen dagaalladii magaalada ka dhacayay.

Dowladda Yukreyn ayaa ku eedaysay melleteriga Ruushka in uu hub halis ah u adeegsaday dagaalka islamarkaana uu si bareer ah udilay labaatameeyo kun oo shacab ubadan.

isagoo wareysi siinayay Telefeshinka ku hadla afka dowladda ayuu sheegay in meydad aan la aasin ay wali dhax daadsanyihiin gudaha magaalada, wuxuu sheegay in 95% uu ruushku burburiyay magaalada Mariupol.

Magaaladan waxaa kutaal dekad caalami ah waana magaalo kaabiga ku haysa badda Azoof, wali dhismayaasha warshadaha waaweyn ee Mariupol waxaa ku go'doonsan kumanaan katirsan ciidamada dowladda Yukreyn ee laga itaal roonaaday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items