Saldhigyo ay ciidamada Kenya ku leeyihiin Kulbiyoow iyo Qooqaani oo weeraro lakulmay.

Sunday May 01, 2022 - 12:44:38
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in weeraro hor leh lagu qaaday ciidamada soo duulayaasha KDF.
Dagaalyahanno aad u hubaysan ayaa xalay weeraro culus ku qaaday illaa sedax saldhig oo ciidamada gummeysiga Kenya ay ka sameysteen gobolka Jubbada Hoose.

Wariyaal ayaa soo sheegay in xalay saqdii dhexe ayay jihaadiyiintu weeraro culus ku qaadeen saldhigyada ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegananada Kulbiyoow,Qooqaani iyo Taabto.

Dadka deegaanka ayaa soo wariyay in ay maqlayeen hugunka madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac isdhaafsanayeen balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items