Dowladda Ingiriiska oo ka digtay weeraro laayaan ah oo ay jihaadiyiinta Soomaaliya fuliyaan.

Sunday May 01, 2022 - 13:57:28
Liibaan Jeexoow
Dowlada Ingiriiska ayaa mar kale walaac ka muujisay awooda Xarakada Alshabaab ee ka dagaallanta geeska qaaradda Afrika iyadoo war ay soo saartay uga digtay suuragalnimada weeraro waaweyn oo ay ka fuliyaan gudaha dalka Somaliya.
Warka kasoo baxay Xukumada London ayay ku sheegtay in Alshabaab ay had iyo jeer ku howlanyihiin fulinta weeraro khasaaro lagu gaarsiiyo shisheeyaha jinsiyadaha kala duwan ee duullaanka ku jooga gudaha Soomaaliya.

UK waxay ka cabsi qabtaa in sidoo kale ay jiraan halis ku wajahan dadka reer galbeedka ah kuwaas oo lakulmi kara bay tiri Afduub kaga yimaada jihaadiyiinta halka sidoo kalana halis ay la kulmi karaan dadka u shaqeeya ururada reergalbeedka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

"Weerarada argagixisadu waxay noqon karaan kuwo aan kala sooc lahayn, oo lala eegto meelaha dadku ku badan yahay, munaasibadaha Ciiddaha iyo meelaha ay ajaanibku booqdaan,” ayay tiri UK.

Cabsida ugu daran ayay dowladda Ingiriiska ka qabtaa weeraro laayaan ah oo Muqdisho ka dhaca inkasta oo ay sheegtay in suurtagal ay tahay weeraro lagu beegsado gaadiidka badda ee isticmaala gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya.

Dhaq dhaqaaqa jihaadiga Al Shabaab ayaa bishii lasoo dhaafay weero laayaan ah ka fulinayay magaalooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya halkaas oo lagu dilay askar iyo saraakiil.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items