Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo la magacaabay.

Thursday May 05, 2022 - 14:25:57
Liibaan Jeexoow
Kadib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu doortay guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha waxaa loo doortay Senator Cabdiqani Geelle Maxamed oo lagasoo xulay dhanka maamulka 'Punland'.

Gudodomiye ku xigeenka guddigan ayaa loo doortay Max'med Keerow Max'med, waxaa lafilayaa in doorashada madaxweynaha ay  dhacdo bartamaha bishaan May 2022.

Doorashada madaxweynaha DF-ka waxaa ku loollamaya sodomeeyo musharax oo mid walba uu doonayo in uu bedelo Max'med Cabdullaahi Farmaajo oo kursiga ku fadhiya muddo 5 sanadood ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items