Maxamuud Sayid Aadan oo Aadan Madoobe kala hadlay masiirka Xildhibaannadii Ceelwaaq lagusoo doortay.

Saturday May 07, 2022 - 12:57:12
Liibaan Jeexoow
Maamulka isku magacaabay 'Jubbaland' ayaa xusulduub ugu jira sidii loo aqbali lahaa xildhibaannadii lagusoo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Wafdi uu hoggaaminayo Maxamuud Sayid Aadan oo ah ku xigeenka Axmed Madoobe ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho waxayna kulamo laqaateen hoggaanka baarlamaanka cusub.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa Sheekh Aadan Madoobe usheegay in xildhibaannadii Ceelwaaq lagusoo doortay ay haystaan shahaadada iyo aqoonsiyada guddiga doorashooyinka FEIT sidaas daraadeedna ay haboontahay in ay ka qeyb qaataan doorashada madaxweynaha.

Aadan Madoobe iyo ku xigeennadiisa ayaan wali go'aan kama dambays ah ka qaadan xildhibaannada lagusoo doortay Garbaharey iyo Ceelwaaq kuwaas oo ku sugnaa kulamadii baarlamaanka ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Filla Hargeysa.

Doorashada 15-ka bishan ka dhici doonta Teendhada Afisyooni ayaa ammaankeedasi aad ah loo adkayn doonaa balse lama oga sida laga yeelayo xildhibaanadan kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Farmaajo ee murunku ka taaganyahay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items